Uganda oo mishiinkii kansarku ka jabay

Lahaanshaha sawirka SPL

Mishiinkii qudha ahaa ee lagu daaweyn jiray cudurka kansaraka (radiotherapy)ayaa jabay , iyadoo la sheegay inanu wax kabis ah lahayn oo ay halkaasi ugu dhamaatay .

Waaxda cudurka kansarka ee Mulago Hospital oo ku taal caasimada Kampala ayaa sheegay inay immika rabaan inay iibsadaan mishiin cusub oo lagu qiimaynayo 1,8 milyan doolar. Mishiinkani jabay ayaa la sheegay inuu daweyey dad gaadhaya 44,000 oo qof sannad walba oo ka cancerkala yimaada Uganda iyo waddamada jaarka ah sida Rwanda , Burundi, iyo South Sudan.