Ugu yaraan afar ku dhimatay Afgooye

Inta la xaqiijiyay afar ka tirsan ciidanka qaadista canshuuraha ayaa ku dhimatay toban kale oo askar iyo rayidba lehna way ku dhaawacmeen, kadib markii uu qarax ka dhacay laanta canshuuraha ee suuqa xoolaha ee degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Sida ay BBC-da u sheegeen dad goobjoogyaal ah, qaraxa ayaa dhacay xili ay socotay qaadista canshuuraha oo uu suuquna aad mashquul u yahay.

Xoolo badan ayaa iyana halkaasi ku le'day.

Qaraxa ayaa loo malaynayaa in uu ahaa miinada dhulka lagu aaso oo la galiyay laanta canshuuraha.

Ma jirto cid sheegatay qaraxaasi illaa hadda.

Isla suuqaas waxa uu qarax ka dhacay 12-kii bishii tagtay ee Maarso, waxaana ku dhaawacmay sideed qof.