Sacuudiga oo dhimaya awooda boliiska diinta

Lahaanshaha sawirka Getty
Image caption Boliiska Sacuudiga

Sacuudi Cararabiya ayaa soo saaraysa sharci cusub oo lagu yaraynayo boliiska diinta, oo sanooyinkii ugu danbeeyay ay ka imaatay dhaleecayn inay awoodooda si xun u isticmaalaan.

Habka cusub ee la samaynayo iyo sharciga cusub ayaa mamnuucaya inuu boliiska diinta uu eryado, xiro ama uu dadka waydiisto waraaqo aqoonsi.

Sharciga oo ay aqbaleen golaha wasiirada, ayaa doonaya in boliiska diinta aysan qaadin wax talaabo ah hadii ay arkaan sharci daro ka soo horjeeda sharciga Sacuudiga.

Waxaa laga doonayaa boliiska diinta inay warbixin u gudbiyaan boliiska, oo kadibna ka qaadi doona talaabo qofka laga shakisan yahay.