Shirkadda Microsoft oo dacweyneysa US

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Microsoft xarunteeda ugu weyn waxay ku taallaa Mareykanka

Shirkadda Microsoft ayaa waxa ay dacweynesaa dowladda Mareykanka oo ay ku muran san yihiin xuquuqda lagu sheegayo akhbaarta macaamiisha marka laamaha federaalka ay doonayaan inay helaan macluumaadka gaarka ah.

Shirkadda weyn ee Kumbuyuutarada waxa ay sheegtay inay dareensan tahay in dalabka joogtada ah ee helitaanka sirta qarsoon ay tahay mid aan sharci ahayn.

18kii bil ee ugu dambeeyay, shirakadda Microsoft waxa ay sheegtay in la gaarsiiyay 5,624 codsi oo ah in la helo akhbaarta dadka isticmaala qalabkeeda.

kalabar kiisaskaasi, maxkamadaha ayaa dalbanaya siraha macaamiisha shirkadda Microsoft.

Microsoft waxa ay ku doodeysaa in taasi ay ka soo horjeedo isbedelka sharciga afaraad ee dalka, kaas oo dhigaya "shaqsiyaadka waa in lagu wargeliyaa haddii dowladda ay dooneyso hantidooda iyo sirtooda inay qaadato".

Codsiga waxaa lagu gudbiyay iyadoo la raacayo sharciga lahaanshaha isgaarsiinta elektoroonigga.

Xeerkan waa mid seddax sano ka hor la sameeyay, qaar kamid ah shirkadaha technologiyadda ayaa u arka in lagu xadgudbay xeerkaasi.

Kiiskan waa kii ugu dambeeyay ee dhex mara dowladda Mareykanka iyo shirkadaha waaweyn.

Shirkadda kale ee Technologyadda ee Apple waxa ay codsaneysaa in Congress ay muujiyaan arrintan si la isugu miisaamo asturnaanta sirta iyo amniga qaranka.