Tahriibayaal la badbaadiyay

Lahaanshaha sawirka

Dad tahriib ahaa oo la soo samata bixiyey iyagoo doonaya in ay ka tallaabaan badda Meditaraniyanka ayaa sheegay, in ugu yaraan 500 qof oo kale ay badda ku dhinteen markii ay degtay doontii ay saarnaayeen. Dadkan tahriibayey waxay u badnaayeen dad ka soo jeeda afrikada bari oo toddobaadkii hore ka soo ambabaxay Libya.

Afatartan iyo kow muhaajir oo ka badbaaday shilkani ayaa booliska Giriigu xabsiga u taxaabeen, waxaana lagu hayaa garoon kubbada lagu ciyaaro ee Kalamata.

Waxay u sheegeen BBC-da in iyagoo tiradoodu dhan tahay 240 ay ka soo baxeen Tobruk, oo ku taal Libya, iyagoo ku jihaysnaa dhinaca dalka talyaaniga.

Dabeetana iyagoo badda bartankeeda maraya ayaa kuwa dadka tahriibinayayi ay u sheegeen, inay ku wareegaan dooni kaloo alwaax ah oo saddex boqol oo qof ay saarnaayeen.

Tirada qaxootiga ee ilaa bishii March 2015

9,600

Qaxootiga ka soo gudbay Mediterranean ee gaaray Italy March 2016

26,460

kuwa ka yimid Turkey ee soo gaaray Greece

  • March 2015:

  • 2,283 badda soo maray ayaa gaaray Italy

  • 7,875 ayaa Turkey ka yimid oo gaaray Greece

Reuters

Waxay sheegeen inay degtay saqdii dhexe ee habeenka, dadka ka badbaaday ayaa ahaa 37 nin, hal haweean iyo lmo yar.

Dadka ayaa isugu jira Soomaali, Suudaan, Masar iyo Itoobiya, waxaana badbaadiyay Markab ganacsi oo meesha marayey.

Shaqaalaha markabka ayaa sheegay in tahriibayaashu diideen in Giriiga loo dhiibo iyagoo rabay inay Talyaaniga iska dhiibaan.

Wali si rasmiya looma xaqiijin shilkani oo ka mid noqon doona kuwii ugu Murugada badnaa, ee ka dhaca badda Meditaraniyanka.