Itoobiya oo raadineysa caruurtii laga afduubtay

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Dowladda Itoobiya ayaa u gurmatay dadkii dhibaatada ay soo gaartay

Dhibanayaasha weerarkii gobolka Gambeella ee dalka Itoobiya ayaa waxa ay BBC-da u sheegeen sida uu weerarkaasi u dhacay.

Weerarkaasi waxaa ku dhintay in kabadan 200 oo qof, caruur aad u bandanna waalagu afduubtay.

Hooyo seygeeda lagu dilay weerarka, seddax cunugna looga afduubtay waxay sheegtay inaysan rajo dambe ka qabin inay caruurteeda dib u aragto.

Dowladda Itoobiya waxa ay sheegtay in ay xoojisay dabagalka ay ugu jirto kooxda weerarkaasi ka dambeysay oo ka yimi dhanka South Sudan.

Caruurta la afuubtay waxaa lagu qiyaasayaa 100, sidoo kale shaqaale caafimaad oo ka tagay magaalada Addis Ababa ayaa gaaray koobta uu weerarka ka dhacay.

Waxa ay daaweynayaan dadkii ku dhaawacmay weerarka oo la sheegayo inay qaaday qowmiyada Murle.

Qaar kamid ah dadkii uu weerarkaasi saameeyay ayaa BBC-da sidan u sheegay: