UN oo ka shiraysa maandooriyaha

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Qaramada Midoobay waxay dib u eegid ku sameynaysaa ladagaalanka maandooriyaha

Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa mudo labaatan sanadood ah kaddib ka shiraya in dib loo eego istiraatijiyadda la dagaalanka maandooriyaha.

Saddex maalmood ka hor intii aanu bilaabmin shirkani, ayaa warqad furan oo ay saxeexeen in ka badan kun qof ayaa ku baaqeen hanaan furan oo looga hortago arrintan.

Dadkani waxaa ka mid ah madaxweyneyaashii hore ee Mexico, Colombia iyo Brazil.

Waxaa warqadda lagu sheegay in siyaasadaha haatan jirta ay fashilmeen isla markaana lagu baaqay in culayska la saaro dhinacyada caafimaadka iyo xuquuqda aadanaha.

Warqadda waxa lagu sheegay in malaayiin qof xabsiyo daafaha dunida ku yaal ay ku jiraan, falal dambiyeedka loo haystaana aanay ahayn inay dad kale dhib u gaysteen.

Waxay sheegen in inta badan dadka xiran ay yihiin kuwo sabool ah ama ka soo jeeda bulshooyinka laga tirada badan yahay.

Khudbad uu xog-hayaha Qaramada Midoobay, Ban Ki-moon, jeediyay bishii hore ayuu ku sheegay in loo baahanyahay hanaan isku dhafan oo lagu cidhib tiro maandooriyaha.