Dad lagu dilay rabshado ajnebi nacayb ah Zambia

Lahaanshaha sawirka
Image caption Dadka u dhashay Rwanda ayaa u badan ajnebiga ku nool Zambia

Booliska Zambia ayaa sheegay in laba qof nolosha lagu gubay, rabshado ajnabi nacayb ah oo ka dhacay magaalada caasimadda ah ee Lusaka.

In ka badan 250 qof ayaa la xirxiray, kaddib markii la boobay tobanaan dukaan oo ay lahaayeen dad u dhashay Rwanda.

Weerarrada ayaa dhacay kaddib markii lagu eedeeyey dadka reer Rwanda inay dad dileen, ayna xubnahooda u isticmaaleen inay dad ku soo jiitaan.

Dadka reer Rwanda ayaa ah kooxda ugu ballaaran soo galootiga ku nool Zambia.