Riek Machar oo South Sudan ka dagay

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Dhawr jeer ayuu baaqday

Hogaamiyaha mucaaradka ee South Sudan, Riek Machar, ayaa dalkiisa kaddib muddo todobaad ah oo uu dib u dhacayay, arrintaas ayaana halis galisay heshiiskii nabadda.

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Waa tabeele ay labada masuul ku sawiranyihiin oo suran caasimadda Juba.

Waxaa la filayaa in loo dhaariyo jagada madaxweyne ku xigeenimada oo uu horay u soo ahaa.

Tani ayaa ah tallaabo muhiim ah oo lagu dhaqangelin karo heshiiska nabadeed ee u dhexeeya dowladda iyo mucaaradka.

Mchar ayaa ka cararay Juba 2013, markaas oo lagu eedeeyay in uu rabay in inqilaabo dawladda, eedaymahaasna wuu diiday

Khilaafka u dhexeeya Mr Machar iyo madaxweyne Salva Kiir ayaa sababay in bishii December ee 2013 uu dalkaasi ka bilowdo dagaal sokeeye, kaas oo ay ku dhinteen tobanaan kun oo qof, ayna ku barakaceen in ka badan laba milyan oo qof.