Xabbad joojin ka bilaabatay Suuriya

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Boqolaal qof oo rayid ah ayaa maalmihii lasoo dhaafay ku dhintay magaalada Xaleb ee Suuriya.

Xabbad joojin kumeelgaar ah oo uu ballanqaaday ciidanka dowladda Suuriya, ayaa ka dhaqan gashay laba deegaan oo ka tirsan dalkaasi.

Weriye ka tirsan BBC ayaa ku soo warramaya in dagaallo kooban laga soo sheegayo gobolka Latakia, balse guud ahaan xaaladda gobolkaasi ay degan tahay.

Xabbad joojinta oo la shaaciyay Jimcihii shalay ahaa, ayaa waxaan qeyb ka ahayn magaalada Xaleb, halkaasi oo in ka badan 200 oo qof oo rayid ah lagu dilay maalmihii lasoo dhaafay.

Waxaa lagu soo warramayaa in Ruushka, oo taageero muhiim ah siiya dowladda Suuriya, uu diiday in xabbad joojinta lagu daro magaalada Xaleb.

Ciidammada xukuumadda Suuriya ayaa la sheegayaa in ay isu diyaarinayaan duulaan ay ku qaadaan magaaladaasi.