Khatarta Zika oo korartay

Saynisyahanno ku sugan dalka Brazil ayaa sheegay in viruska Zika laga yaaba in uu ka khatar badan yahay sidii loo malaynayay.

Waxay BBC-da u sheegeen inay suurtagal tahay in xanuunkan la isugu gudbiyo kaneecada lala xiriirin karo dhibataooyin dhinaca maskaxda ah oo saameeyo mid kamid ah shantii haween oo uur leh oo uu ku dhacay Zika.

Waxaa horay loo ogaa in uu sababa caruurta oo ku dhasho madax aad u yar.