IMF:Dhaqaalaha Afrika oo aad hoos ugu dhacay

Lahaanshaha sawirka AFP

IMF ayaa sheegtay in kororka dhaqaalaha ee Afrika uu hoos u dhacay 2015, isagoo gaaray meeshii ugu hoosaysay toban sano iyo bar gudaheed, uuna ka sii dari doono sanadkan.

Wadamadda Afrika ayaa waxaa aad u saameeyay sicirka macdanta iyo shidaalka ee hoos u dhacay. Dhowr waddan oo galbeedka Afrika ayaa waxaa saameeyay cudurka Ebola.

IMF ayaa sheegtay in kororka dhaqaalaha Afrika ee sanadkii hore uu yahay 3.5 boqolkiiba, iyadoo kororka la saadaalinayo sanadkan ay tahay 3%.

Tiradan ayaa ka hoosaysa kororkii tobankii sano ee la soo dhaafay oo ahaa lix boqolkiiba guud ahaan.

IMF ayaa sheegtay in wadamadda Afrika ay u baahan yihiin inay ka fikiraan siyaasadooda dhaqaalaha si ay u helaan koror dhaqaale.