Waalidiinta England oo ilmaha maalin ka joojiyay iskuulka

Lahaanshaha sawirka
Image caption Waalidiinta iyo carruurta ayaa isugu yimid Preston Park ee Brighton.

Waalidiinta ayaa ilmahooda iskuulka ka joojiyay maalin iyagoo ka soo horjeeda imtixaanka digsiga hoose ee England.

In ka bdan 40,000 oo waalida yaa saxiixay baaq looga hortagayo imtixaanka dugsiga hoose, oo la qaadayo bishan.

Waalidka oo taageeraya hal kudhiga Ilmaheena u ogoloow inay ilmo ahaadaan, ayaa ka cabanaya dhaqan dhib keenaya oo imtixaan badan ah.

Xoghayaha waxbarashada Nicky Morgan, ayaa sheegtay in ardayda laga joojiyo iskuulka xataa maalin kaliya inay qasaaro ku tahay waxbarashadooda.

Lama hubo inta caruur dugsiga hoose ee iskuulka laga reebay. Ilaa 5000 oo qof ayaa isugu yimid Preston Park ee Brighton, oo uu ka mid yahay qoraaga Chris Riddel.

"Waa inaan carruurteena ka dhignaa aqristayaal wax u aqrista jecayl halka lagu tiirsanaan lahaa imtixaan ayuu sheegay Mr Riddell.

Waalidka ayaa keenay saxiixyadii ay dadka ka soo ururiyeen xarunta wasaarada waxbarashada ee London.

Image caption Waalidiinta ayaa keenay waraaqo saxiixan oo ay dadka ka soo arruuriyeen.

Dadka qaban qaabiyay ololaha ayaa sheegay in carruurta imtixaanka laga badiyay, shaqadii laga badiyay hab iskuul oo muhiimada siisa imtixaan halka ay ka ahaan lahayd farxada carruurta iyo farxada waxbarashada.

Waxay ka dacwoodeen saamaynta uu imtixaanka dugsiga hoose ee ay galaan carruurta toddobo iyo kow iyo toban jir ah iyadoo isbadal lagu samaynayo manhajka.

Waxay sheegeen in manhajka uu ku salaysan yahay imtixaan.

Warqad ay dadka ololaynaya ay u direen xoghayaha waxbarashada ayay uga digeen in iskuulada ay noqonayaan warshad imtixaan, iyo in imtixaanada ay sababayaan culays ayna caruurta yar dareensiinayaan inay guuldaraysteen.