Maraykanka oo dowladda Suuriya u goodiyay

Xoghayaha arimaha dibada Maraykanka John Kerry ayaa digniin u diray madaxweynaha Suuriya.

Kerry waxuu sheegay in cawaaqib xun uu la kulmayo hadii la higelin waayo xabadjoojinta.

Ruushka iyo Maraykanka ayaa wada qorshe xabadjoojinta lagu gaarsiinayo magaaladda Xalab.

Maraykanka waxuu intaasi raaciyay in hadii xabadjoojintan lagu fashilmo dib loogu noqonayo dagaalka.

Saacadaha soo socda ayaa lagu wadaa in lagu dhawaaqo xabadjoojinta magaalada Xalab ka dhaqangalaysa

Magaaladda xalab waxaa isbuucii la soo dhaafay ku dhintay dad boqolaal gaaraya