Yurub oo "taageeri doonta" dal ku gal la'aanta Turkiga

Lahaanshaha sawirka AP

Yurub ayaa meelmarinaysa in dadka Turkigu ay dal kugal la’aan shuruud wadata siiyaan, arrintaasina waxay ka shaqayn doontaa dalalka isticmaala dal kugalka loo yaqaanno Schengen, sidaas waxaa BBC u sheegay ilo.

Arrinmtani waxay qayb ka tahay heshiiska ay Turkigu dib ugu celinayaan dadka muhaajiriinta ah ee ka talaaba badda Aegean ee gaara dalka Giriigga. Laakiin wali waxaa loo baahan yahay in Turkigu uu la yimaado shuruudaha Midawga Yurub u yaalla, heshiiskaasna waa in ay meelmariyaan baarlamaanka Yurub iyo dalalka xubnaha ka ah.

Midawga Yurub waxay ka baqayaan in Turkigu uusan xakamayn doonin qulqulka muhaajiriinta haddii aan heshiiskaas dal kugalka la gaarin.

Tirada badan ee muhaajiriinta ah ee soo galaya Yurub iyaga oo soo maraya Turkiga ayaa khalkhal siyaasadeed ka dhex abuurtay dalalka xubnaha ka ah Midawga Yurub.

Yurub waxay arrintan si rasmi ah uga hadli doontaa arbacada.