Bosnia: Masjid dib loo furay

Lahaanshaha sawirka EPA

Kumanyaal ayaa ka qeybgalay dib u furista masjid taariikhi ah oo ku yaal dalka Bosnia. Ciidamada Serbiyiinta, ayaa qarnigii 16aad dhismaha masjidka oo ku yaal Banja Luka burburiyay intii uu socday dagaalkii Yugoslaviyadii hore ee 1990kii.

Masjidka oo lagu magacaabo Ferhat Pasha, ayey dib u dhiskiisu qaadatay ilaa iyo 15 sano, waxayna qubarada dhiseysay ku guuleysteen inay soo celiyeen dhismihii hore seddax meelood labo meel.

Inta badan qeybaha masjidka ayaa dagaalka lagu burburiyay iyadoo badi Muslimiinta ay noqdeen kuwa qaxay iyo kuwa xoog looga saaray halkaasi.

Hoggaamiyayaasha Bosniyiinta Serbiya ayaa sheegay in dib u furista ay muujineyso sida ay uga go'an tahay in la wada noolaado.