Doorashada Philippines: Maverick Rodrigo ayaa ku guulaystay

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Rodrigo "Digong" Duterte wuxuu ku caan baxay sidii uu ugu dhiiraday la dagaalanka dambiyada

Rodrigo "Digong" Duterte ayaa ku guulaystay doorashada dalka Phillippines, arrintanina waxay timid kaddib markii ay tartanka ka hareen dadkii isaga la loolamayay.

Ninkani wuxuu u ol'oleeya oo uu ka soo horjeedaa faldambiyeedyada.

Inkasoo aysan wali soo bixin natiijadii kama dambaysta ahayd ee doorashada haddana Mar Roxas oo haa qofkii sida wayn ula loolamayay ayaa qirtay in laga guulaystay kaddib markii Duterte uu si wayn u hogaamiyay codadkii doorashada.

Duterte ayaa sheegay in xilka loo doortay uu ku aqbalay si sharaf leh.

Muran ayaa ka dhashay hadaladii uu jeedinayay intii uu ol'olaha doorashada waday.

Waxaase aad loogu ammaanay guulaha uu ka gaaray sida wayn ee uu u garab istaagay sharciga iyo kala dambaynta.

Sidii uu ula dagaalamay dambiyada ka dhaca magaalada Davao oo uu duqa magaalada ka ahaa ayuu ku mutaystay in lagu magacaabo Ciqaabe, taas ayayna la dhaceen dadkii codbixiyeyaasha ahaa.