Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Qarax shan ku dilay magaalada Muqdisho

Ugu yaraan shan qof oo isugu jira askarta taraafikada booliska iyo Al-Shabaab ayaa ku dhintay weerar is qarxin ah oo saaka lagu qaaday xarunta ciidanka ilaalada wadooyinka ee magaalada Muqdisho.

Dhaawacyo kor u dhaafaya toban ayaa la gaarsiiyay isbitaalada magaalada Muqdisho kuwaas oo ku soo dhaawacmay qaraxaasi.

Weriyaha BBC-da ee Muqdisho Ibraahim Maxamad Aadan ayaa wararkii ugu danbeeyay ee qaraxaasi goor dhaweyd noo soo diray