Dacwadda macdan qodayaasha K/Afrika

Maxkamad sare oo ku taal Koonfur Afrika, ayaa ogolaatay dacwadda kumanyaal macdan qodayaal hore oo sheegay inay qaadeen cudurka sambabka ku dhaca ee boorka laga qaado markii ay dhulka hoose ka shaqeynayeen

Tani ayaa jid u fureysa dacwadii ugu weyned ee Koonfur Afrika. Macdan qodayaasha, ayaa ka doonaya malaayiin doolar oo magdhow ah shirkadaha dahabka qoda ee dalka, oo ay ku jiraan shirkadaha sida Angalo_American.

Garsoore Phineas Mojapelo, ayaa sheegay inuu aaminsan yahay in dacwad kooxeedku suuragal tahay marka macdan qodayaasha ku adkeystaan sheegashadooda. Maxkamadda, ayaa sidoo kale oggolaatay dacwad guud oo u taagan macdan qodayaasha qaaday cudurka TB-da.