Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Kenya oo albaabada u laabtay shirkado biyaha sifeeya

Hay'adda Kenya u qaabilsan tayada badeecadaha ayaa xirtay ugu yaraan 6 warshadood oo ah warshadaha biyaha la cabo oo aan ruqsad haysan, dadaal dhan ka ah biyaha aan caafimaadka u fiicnayn.

Dawladda hoose ee Mombasa ayaa sidoo kale mamnuucday qaybinta qaar ka mid ah biyaha caagagga ku jira, ka dib markii la ogaaday inay wasakhaysan yihiin.

Ilaa 600 oo warshadood ayaa Kenya ku yaalla kuwaasoo ah warshadaha biyaha la cabo, laakin waxaa jirta cabsi laga qabo in ay jiraan tiro intaa ka badan oo ah warshado si sharci darro ah u shaqeeya.

Ciise Xaaji Cabdille ayaa warbixintan inooga diyaariyay..