Amina Ali oo la kulantay Buhari

Gabar Nigeria u dhalatay oo ka mid ahayd gabdhihii labo sano muddo ka badan ururka Boka Haram uu ka qafaashay magaalada Chibok, ayaa madaxweyne Muhammadu Buhari uu ku qaabilay magaalada Abuja.

Gabadha oo 19 jir ah oo wadatay ilma yar, ayaa laga soo badbaadiyey meel u dhow xadka Nigeria la leedahay Cameroon.

Militriga Nigeria, ayaa sheegay in ay xireen nin ka tirsan Boka Haram oo sheegtay inuu yahay ninka qaba gabadhan oo la yiraa Amina.

Ms Nkeki, ayaa si dareen leh ula midowday hooyadeed. Arbacadii iyadoo sidatay cunug afar bilood jira, ayey ciidamada cirka Nigeria usoo duuliyeen magaalada Maiduguri oo xarun u ah gobolka Borno.

Lahaanshaha sawirka Nigerian Army

Afhayeenka madaxweyne Buhari, ayaa sheegay in gabadha yar laga caawin doono sidii ay bulshada ku dhexgeli laheyd.

Guddoomiyaha qowmiyadda Chibok ee Abuja, Hosea Abana Tsambido, ayaa BBC-da u sheegay in Ms Nkeki la helay iyadoo duurka xaabo ka raadsaneysay meel deegaan u ah Boko. Haram.