Waddamada G7 oo gaaray heshiis ka dhan ah argagixisada

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Madaxda G7 ayaa la filayaa in usbuuca dambe ay Japan ku kulmaan.

Wasiirada maaliyadda ee waddamada G7 ee ku hormaray dhanka warshadaha oo ku shiraya dalka Japan ayaa ku heshiiyay in tallaabo adag oo dheeraad ah la qaado, si looga hortago maalgelinta argagixisada caalamiga ah.

Tallaabooyinkaasi ayaa waxaa ka mid ah in iskaashi weyn laga sameeyo dhanka dhaqan gelinta xayiraadaha ka dhanka ah shabakadaha argagixisada iyo in caddaaladda la hor keeno dadka maalgeliya rabshadaha.

Wasiiradani ayaa sidoo kale ugu baaqay waddamada xubinta ka ah G7 in ay ka fogaadaan in ay hoos u dhigaan qiimaha lacagahooda si ay ula tartamaan waddamada kale ee xubinta ka ah ururkani.

Shirkaasi oo socoday muddo labo maalmood ah ayaa ku soo beegmaya maalmo uun ka hor inta uusan dalkaasi Japan ka furmin shir weynaha waddamada G7 toddobaadka dambe.