Amisom oo lagu weeraray jubada hoose

War hadda ina soo gaaray ayaa sheegaya in Kooxda Alshabaab ay wadada u galeen kolonyo ciidamada Kenya ah, inta u dhaxeysa magaalooyinka Dhoobley iyo Taabto, oo ku yaalla gobalka jubada hoose,.

Majiraan ilaa iyo hadda khasaaro la soo sheegay.

Dhanka kale mar aan la xiriirnay Afhayeenka milatariga Kenya, korneel David Oboyo, ayuu noo sheegay in aysan jirin wararka sheegaya in ciidamada Kenya lagu weeraray Dhoobley.