Damaashaadka xorriyadda Erateriya.

Erateriya oo u dabaaldageysa 25 guuradii ka soo wareegatay xornimadeeda, kaddib dagaalkii ay la gashay Itoobiya.

Toddobadkan wuxuu astaan u yahay 25 guurada markii Erateriya ay madaxbanaanida ka heshay Itoobiya dagaal socday 30 sano. Kooxaha xuquuqul insaanka, ayaa ku dhaliila wadankaas bariga Afrika inuusan dimuqraadi aheyn, xoriyatul qowl laheyn, ayna siyaasadiisu tahay jajuub oo sanado badan jiri karta. Balse dowladda Erateriya waxay abaabushay dabaaldeg weyn.

Taangiyo safan oo daxaleystay iyo gawaari kale oo militeri, kuwaasi oo laga qabsaday ciidamada Itoobiya, ayaa ka buuxa meel ku taal dibadda caasimadda. Falaagada Erateriya awood iyo qalb way ku sareeyeen.

Dabaaldeg ka dhacay Asmara ayey dadku dib u sameeyeen daqiiqadihii ugu weynaa dagaalka. Kumanyaal haween Erateriya ah, ayaa ka dhinac dagaallamay ragga dagaalkii xorriyadda, kuwaasi oo ka badnaa ruuc. Marka haweenku ku biireen ciidamada, ayaa la jaray timahooda dheer oo lga dhigay Afro.

Carruurta ay dhaleen haweenka askarta ah, ayaa loo yaqaan ubaxyadii casaa. Dadku waxay ii sheegeen in carruurta laga reebi jiray waalidkood si ay u dagaallamaan iyadoo ay bulshada korineyso.

Dhismooyin badan oo dalka ku yaal, ayaa lagu qurxiyay astaamaha maalinta xorriyadda.

Carwada dagaalka, ayaa lagu soo bandhigay rajastiin (kishali) gacan lagu tolay oo dhar la tuuray ka sameysan. Waa tusaale hal abuurnimo iyo isku tashi dagaalyahanada Erateriya ay sameeyeen maadama ay aad u yareyd waxa ay heli kareen.

Marka askarta dhaawacanta ee isbitaalka looga tagay ku laabtaan dagalka, kabo ma aysan haysan. Dhakhaatiirta dhulka hoose ku jirtay, ayaa baakado iyo xarrigga faleebbada uga sameyn jiray kabo ku meel gaar ah.

Geedkan waxa uu sidaa sawirada 264 oo lagu dilay dagaalkii ay falaagada Erateriya hora ugu socdeen caasimadda Asmara sanadkii 1991dii.

Erateriya weli way ku qanacsan tahay isku tashigeeda, waxaana ku yaal Asmara suuq gaar ah oo biraha dib loogu isticmaalo qalab kasta.

Wadada weyn ee bartamaha Asmara, ayaa lagu qurxiyay nalal gaar ah. Inkastoo Erateriya loo yaqaan meel laga cararo, waxaana xafladda u yimid kumanyaal qurbo joog ah.

Erateriya waxay u egtahay fadhiid. Dhismooyin badan ayaa ah naqshadihii Art Deco ee 1930kii, xilligaasi uu dalka gumeysanayay Talyaaniga. Qaar ka mid ah gawaarida waa kuwa doqoobay oo Talyaani ah.

Dagalada ay la galeen Itoobiya iyo cunaqabteynada iyo go'doominta caalamiga ayaa dalka si weyn u saameeyay, balse hadda ayey wax isbadalayaan.

Erateriya waa furfurmeysaa. Waxayna kasbaneysaa saaxiibo badan, gaar ahaan dunida Carabta, waxaa jira maalgelin shisheeye oo kordheysa, gaar ahaan macdanta.

Inkastoo Qaramada Midoobay ay sheegeyso in dalka ka baxaan bil kasta 5,000, badi waa dhalinyaro.

Midowga Yurub wuxuu sheegayaa in tirada ugu badan ee Afrika uga timaado ay yihiin Erateriya oo ka cararaya in xoog askar looga dhigo, waana arin ay Erateriya beenisay.