Pakistan oo ka hadashay dilka Akhtar Mansuur

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Gaarigii uu ku safrayay Masuur ayaa gantaal lagu dhuftay

Dawladda Pakistan ayaa markii ugu horaysay xaqiijisay in ninka lagu dilay dalkaasi uu ahaa hoggaamiyihii kooxda Taalibaan,Mullah Akhtar Mansuur

Wasaaradda arrimaha dibedda ayaa xaqiijisay in uu ku safrayay aqoonsi been abuur ah.

Wasaaraddu waxay sheegtay in weerarka uu Maraykanka ku dilay ninkaasi uu ahaa mid xad-gudub ku ah madaxbanaanida Pakistan, sidaas darteedna ay cabasho u gudbisay Washington.

Arbacadii ayaa kooxda Taalibaan waxay hoggaamiye cusub u magacaawday Mawlawi Hibatullah.