Weerarada gobolka Niger Delta.

Lahaanshaha sawirka Getty

Siyaasi sare oo Nigeria u dhashay, ayaa BBC-da u sheegay in weeraradii dhawaan ka dhacay Niger Delta ay yihiin kuwa aan horay loogu arag gobolka.

Koox cusub oo xag jir ah oo dadka gobolka Niger Delta u aargudaya, ayaa sheegay inay weerareen subaxnimadii sabtiga dhuumaha saliidda.

Kooxda ayaa sheegeysa inay u dagaallamayaan madaxbanaaninda gobolka oo ah dhulka laga soo saaro saliidda.

Waxaa sanadihii dhawaa gobolka ka jiray mowjado dagaallo ah. Dad badan oo ku nool gobolka Niger Delta, ayaa ka cawda horumar la'aan iyo waxyeelo deegaanka ay geystaan warshadaha saliidda.

Guddoomiye ku xigeenka gobolka Delta, Kingsley Otuaro, ayaa sheegay in xaalku sii ahaan karin sidii hore.