Gebreselassie oo dalkiisa dhaliilay.

Lahaanshaha sawirka AFP

Orodyahanka caanka ee reer Itoobiya, Haile Gebreselassie, ayaa dhaliilay xiriirka orodada ee dalkiisa.

Haile, ayaa dhaliilay sababta kooxda looga reebay ordaaga saddexda jeer olympic-ada ku guuleysatay ee Kenenisa Bekele, si uu Itoobiya ugu matalo cayaaraha olympicada ee Rio De Janeiro.

Haile, ayaa BBC-da u sheegay in dhalashadiisu ay noqotaa khiyaari ee kooxda orodka, sababtoo ah diiwaankiisa iyo niyadiisa ayuu ku kordhin lahaa kooxdaa.

Xiriirka cayaaraha fudud ee Itoobiya, ayaa sheegay inay ka reebeen Kenesina kooxda Rio aadeyso sababo la xiriira inuusan wixii looga baahnaa gaarin. Kenenisa ayaa sidoo kale dhaliilay go'aankaas, isagoo sheegay inaysan cadaalad aheyn oo ay tahay arin shakhsiyadeed.