Dacwadda muslimiin lagu dilay gobolka Gujurat

Maxkamd ku taala gobolka Gujurat ee dalka Hindiya ayaa maanta la filayaa in ay xukun ku rideyso iyo in kale 62 qof oo loo haysta dilka dad tiro badan oo Muslimiin ah.

Dilalkaasi ayaa lagu tilmaamaa kuwii ugu ba’naa tan iyo markii uu waddankaasi qaatay xorriyaddiisa.

Maxkamadda sare ayaa amar ku bixisay in dib baaritaan loogu sameeyo xasuuqaasi dhacay sanadkii 2002-dii, xilligaasi oo 69 qof oo Muslimiin ah loogu geystay xaafad ka tirsan magaalada Axmedabad.

Dhibbanayaasha ayaa markii la dilay kaddib la gubay jirkooda.

Afartii qof ee ugu horreysay ee loo soo qabtay xasuuqaasi ayaa dhintay inta ay dacwadani socotay.

Ra’iisalwasaaraha haatan haya xilka dalkaasi ee Narendra Modi ayaa xilligaasi madax ka ahaa gobolkaasi Gujurat, waxa uuna beeniyay in xasuuqaasi uu iska indha tiray.

Dadka dhaliilsan ra’iisalwasaaraha ayaa ku doodaya in uusan u qalmin in uu matalo dhammaan dadka dalkaasi.