'QM gargaar hawada ha u mariso dadweynaha Suuriya'

Lahaanshaha sawirka ICRC SYRIA

Maraykanka, Faransiiska iyo Britain ayaa ugu baaqay Qaramada Midoobay inay billawdo in ay gargaar bani'aadanimo hawada u marsiiso magaalooyinka go'doonsan ee dalka Suuriya.

Bishii la soo dhaafay ayaa Kooxda Taagerada Caalmiga ee Suuriya waxay u qabteen ugu dambayn 1-da bisha June in gargaar la gaarsiiyo dadka u baahan ee ku sugan Suuriya.

Balse gargaar aan badnayn ayaa arbacadii la gaarsiiyay magaalda Daraya. Kolanya gawaari ah ayaa magaaladaasi gaarsiiyay gargaar aan cunto ahayn.

Afartii sano ee la soo dhaafay magaalada Daraya waxaa ku hareeraysnaa ciidamada dawladda.

Ruushka aya kolanyadaasi galay magaalada ku sheegay tallabo wanaagsan.

Golaha Ammaanka ee QM ayaa lagu wadaa in uu yeesho kullan Jimcaha si looga arrinsado suurtagalnimada in gargaar dhinaca hawada la gaarsiiyo magaalooyinka go'doonsan.