Doon ku degtay jasiiradda Crete.

Howl balaaran oo badbaadin, ayaa ka socoto meel ka baxsan jasiiradda Giriigga ee Crete kaddib markii doon siday boqolaal muhaajiiin ah ay degtay.

Ilaalada xeebaha Giriigga, ayaa sheegay in tiro ka badan saddex boqol oo ruux oo la soo badbaadiyay ilaa hadda, iyadoo la soo saaray meydka saddex ruux.

Wakiilka ururka caalamiga Muhaajiriinta Daniel Esdras, ayaa BBC-da u sheegay in doonta oo 25 mitir aheyd ay qaadi kartay 700 oo ruux.

Maraakiibta ilaalada xeebaha, diyaarado iyo helikobatoro, ayaa howlgalka qeyb ka ahaa oo boqol kiilomitir xeebta ka fog. Ilaa hadda dhowr muhaajiriin ah, ayaa soo gaaray Crete ku taal waqooyiga Libiya iyo Masar.