Shiinaha iyo Japan oo isku haysta jasiirado

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Lahaanshaha jasiiradahani ayaa waxaa hareeyay muran soo jireen ah oo u dhaxeeya Shiinaha iyo Japan.

Dowladda Japan ayaa u yeertay safiirka Shiinaha u fadhiya Tokyo, si ay ugu gudbiso cabashadeeda ku aadan markab dagaal oo Shiinaha laga leeyahay oo markii ugu horreysay lagu arkay jasiiradaha Japan ay maamusho ee ku yaala badda bariga shiinaha.

Jasiiradahani oo dhanka Japan laga yirahdo Senkaku, shiinuhuna u yaqaan Diaoyu ayaa lahaanshahooda waxaa wada sheeganaya labadani waddan.

Afhayeen u hadlay dowladda Japan ayaa sheegay in joogitaanka markabka shiinaha uu halkaasi joogo ay sii hurineyso xiisadda awalba halkaasi ka taagnayd.

Wasaaradda gaashaandhigga Shiinaha ayaa sheegtay in jasiiradahani ay iyaga leeyihiin, sidaa awgeedna ay xaq u leeyihiin in maraaiibtooda ay halkaasi maraan.

Dowladda Japan ayaa sidoo kale baareysa saddex markab oo ah kuwa dagaalka oo laga leeyahay Ruushka oo iyaguna halkaasi lagu arkay.