Maxamed Cali oo maanta la aasayo.

Lahaanshaha sawirka AP

Kumanyaal ruux ayaa taagan hareeraha wadooyinka Louisville ee Kentucky si ay u daawadaan aaska Maxamed Cali.

Naxashka meydkiisa, ayaa saaray gaari madow iyadoo ay caawinayaan feeryhanka Mike Tyson iyo jilaaga Will Smith.

Gawaari 17 gaaraya oo nooca loo yaqaan Limonsiiga ayaa maraya qeybaha ugu weyn magaalada oo ay ku jiraan guriga feeryahanka iyo xarunta hidaha Afrikan Mareykanka.

Socodka ayaa ku dhammaan doono aas qooys oo gaar ah. Kaddibna waxaa garoon kubbadda cagta lagu qaban doonaa tacsi guud oo dhammaan diimaha kala duwan ah oo qur'aan lagu aqrin doono.

Madaxweynihii hore ee Mareykanka, Bill Clinton, ayaa hadalka ugu weyn ka jeedin doono halkaasi.