Aaska Maxamed Cali oo weli socda

Lahaanshaha sawirka AP

Kumanyaal ku nool magaalada Louisville ee Kentucky ayaa macsalaameyntii ugu dambeysay siiyay feeryahanka caanka Maxamed Cali oo toddobaadkii tagay ku dhintay da'ada 74

Naxashka cayaaryahanka saddexda jeer ku guuleystay horyaalka miisaanka culus, ayaa magaalada la marsiiyay inta ay qoraxdu soo jeeday, iyadoo gaarigii lagu siday meydkiisa ay dabooleen ubaxyo ay ku tuurayeen dadka taagnaa wadada dhinaceeda.

Gawaari 17 gaaraya oo nooca loo yaqaan Limonsiiga, ayaa lagu marsiiyay qeybaha ugu weyn magaalada oo ay ku jiraan guriga feeryahanka iyo xarunta hidaha Afrikan Americanka.

Socodka, ayaa ku dhammaan doono aas gaar ah. Kaddibna waxaa garoon kubbadda cagta lagu qaban doonaa tacsi guud oo dhammaan diimaha kala duwan ah oo qur'aan lagu aqrin doono.

Jilaaga Will Smith iyo feeryahanadii hore ee Mike Tyson iyo Lennox Lewsi ayaa naxashkiisa siday.