Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Wadada wadnaha ee Muqdisho oo la dhisayo

Magaalada Muqdisho waxaa ka bilowday dhismaha waddada weyn ee wadnaha oo qaybo badan oo kamid ah ay ku burbureen dagaaladii sokeeye iyo dayactir la'aan haysatay mudo shan iyo labaatan sano ah.

Waddada oo ah dhawr iyo toban km ayaa waxa dhisaya dawladda hoose ee Muqdisho, waxana lacagta ku baxaysa laga qaaday dadweynaha magaalada.

Duqa magaalada Muqdisho ayaa isagoo maanta kormeeraya waddadaasi waxa uu u waramay weriyaha BBC-da ee Muqdisho Ibraahim Maxamad Aadan.