Shirkad diyaaradeed oo shareecadda Islaamka adeegsan jirtay ayaa shaqada laga joojiyay

Image caption Shaqaalaha waxaa lagu amri jiray in ay is asturaan

Rayani Air oo ah Shirkaddii diyaaradeed ee u horaysay ee dalaka Malayshia ee ku dhaqanta shareecada Islaamka ayaa laga joojiyay in wax duulimaad ah samayso kaddib markii lagu helay in ay jabisay xeerarkii duulimaadyada.

Waaxda duulimaadyada dad waynaha ee DCA ayaa sheegtay in ay kala noqonayso shirkadda ruqsaddii ogolaanshaha kaddib markii ay walaac ka muujiyeen hanaanka bad qabka iyo dabagalka diyaaradda.

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption gudaha diyaaradda

Rayani Air ayaa la daahfuray bishii December ee sanadkii hore waxay rakaabka siin jireen cuntooyinka xalaasha ah oo kali ah, wax khamri ah lagama ogolayn shaqaaluhuna waxay u labisan jireen si asturan.

Shirkaddu waxay lahayd labo diyaaradood oo noocoodu yihiin Boeing 737-400 oo middiiba ay awoodo in ay qaado 180 rakaab ah, sided duuliye iyo konton shaqaale.

Waxaada maamusha diyaaraduhu waxay sheegtay isniintii in Rayani Air aysan duulimaadyo ganacsi ah samayn Karin.

Arrintaas waxaa dabo socotay in saddex bilood laga mamnuucay duulimaadyadii kaddib markii shirkaddu ay ku guul daraysatay in ay raacdo xeerarka duulimaadyada.

Rayani Air oo fadhigeedu ahaa jasiiradda Langkawi waxay duulimaadyadeedu aadi jireen magaalada caasimadda ah ee Kuala Lumpur iyo magaalada waqooyiga ku taala ee Kota Bahru.

Wararka qaar waxay sheegayaan in shirkaddu ay qorshaynaysay in ay duulimaadyo ku aado magaalada Maka marka ay dadku xajka ama cumrada soo gudanayaan.