Britain hadday Yurub ka baxdo "xaalad dagdag ah ayay gali"

Lahaanshaha sawirka PA Wire
Image caption George Osborne

Wasiirka Maaliyadda Britain, George Osborne, ayaa ka digay in haddii aftida soo socoto ay horseeddo in Britain ay ka baxdo EU ay taasi horseedi doonto in miisanayidda dalku ay gasho xaalad degdeg iyo hanaan aan dheelli tirnyn.

Waxaa dhici doontoo in la kordhiyo canshuuraadka, qarashaadka dawladdana hoos loo dhigo si loo dabooolo 45 bilyan oo doolar.

Waxa uu ka digay ka bixtaan midwowga Yurub in ay horseedi karto in dhaqaaluhu kaduudsado.

George Osborne ayaa sidoo kale hoos u dhigay dhibaatada soogalootiga oo ah mid kamid ah sababaha ugu waawayn ee ay cuskanayaan kuwa doonaya in laga baxo Modowga Yurub.