Muhaajiriin ku dhintay dalka Niger

Lahaanshaha sawirka epa

Dowladda Niger ayaa sheegtay in afar iyo soddon qof oo tahriibyeyaal ah maydkooda laga helay lama degaanka saxaraha.

Dadkan dhamaaday waxay dhinteen ka dib markii muqalisiinta waday ay ka dhuunteen.

Labaatan dadkan ka mid ah waxay ahaayeen caruur oon iyo haraad u dhintay.

Wasiirka arimaha gudaha ee dalkaasi Niger ayaa xaqiijiyay geerida dadkan.

dalka Niger waxuu ka mid yahay wadamada ay sii maraan dadka u haajira wadamada Yurub.

Kumanaan qof oo Afrikaan ah ayaa gala qaarada Yurub. waxayna sii maraan dhulka saxaraha ah.