Boko Xaraam oo 18 ku dishay Nigeria

Lahaanshaha sawirka AFP

Ugu yaraan 18 ruux, ayaa lagu dilay weerar ay waqooyiga bari Nigeria ka geysteen kooxda Boko Xaraam.

Saraakiisha ayaa sheegay in kooxda ay xabado ku fureen xaflad tacsi oo ka dhaceysay gobolka Adamawa.

Goob jooge ayaa sheegay in xagjiriinta ay ku galeen tuulada Kuda mootooyin kaddibna ay xabado ku fureen carruur iyo haween duug ka qeybgalayay. Dadka oo noloshoodu la baxsanayay ayaa galay jahawareer, wuxuuna goobjooge sheegay in ugu yaraan 10 dhaawac ah loo qaaday magaalo u dhow si loo daaweeyo.

Tuulada ayaa ku dhow keynta Sambisa oo Boko Xaraam ku xooggan tahay, waxayna goobtaasi ka carareen kaddib markii militeriga Nigeria ay xoog kaga saareen magaalooyinkaasi.

Xagjiriinta ayaa dilay in ka badan 20 kun, iyagoo barokiciyay in ka badan labo milyan.