Codaynta aftida UK oo bilaabatay

Lahaanshaha sawirka Reuters

Codaynta afti taariikhi ah oo loo qaadayo in UK ay ka mid ahaato Midowga Yurub iyo inay ka baxdo ayaa bilaabatay saaka.

Tiro dhan 46,499,537 ayaa diiwaan gashan inay codayn karaan , sida ay sheegayso tiriadii ugu horaysay ee sheegtay gudiga doorashada.

Saldhigyada codaynta ayaa furmay 07.00 AM ee subaxnimo waxayna xirmayaan 22.PM caawa.

Waa aftidii saddexaad ee taariikhda UK, waxaana la qaadayaa ka dib olole culus oo ay sameeyeen dadka raba in laga mid ahaado Midowga Yurub iyo kuwa raba in laga baxo.

Warfaafinta ayaa warka ay sheegi karaan la xadiday inta ay codbixintu socoto, laakiin natiijada ayaa soo bixi doonta markii ay la xero cod bixinta caawa.