Sharciga shaqaalaha Kenya oo hirgalay

Lahaanshaha sawirka

Hayadaha gargaarka ee Kenya ayaa sheegay in shaqadooda ay wax u dhimi doonto, kadib sharci cusub oo dowladda Kenya ay ku yaraynayso shaqaaha ajnabiga ee hayadaha u shaqeeya.

Sharciga cusub oo hirgalay toddobaadkan ayaan la shaqaalayn karin qof ajnabi ah, iyadoo ay jiran dad reer Kenya oo shaqada qaban kara.

Shaqaale ajnabi ah ayaa hadda aan loo cusboonaysiin markii uu ka dhamaaday heshiiskii shaqada.

Sharciga cusub ayaa sidoo kale la doonayaa in wax looga qabto lacagta badan ee la siiyo dadka ajnabiga, taasoo ka badan lacagta ay qaataan dadka waddanka u dhashay iyagoo isku shaqo qabta.