Daadad 20 qof ku dilay Maraykanka

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Roob xooggan ayaa sababay daadadka ku dhuftay West Virginia.

Ugu yaraan labaatan qof ayaa ku dhimatay gobolka West Virginia ee dalka Maraykanka, ka dib markii ay halkaasi ku dhufteen daadadkii ugu xumaa muddo qarni ka badan.

Qaar badan oo ka mid ah webiyada mara gobolkaasi ayaa fatahay, xilli maalin waliba uu da’ayo roob xooggan.

Dadka gobolkaasi ayaa intooda badan laga daadgureeyay daadka, waxaana la xiray goobta caanka ah ee loo dalxiistago ee Greenbrier.

Barasaabka gobolkaasi, Earl Ray Tomblin, ayaa ku dhawaaqay xaalad degdeg ah, asaga oo sheegay in khasaaraha daadadka ka dhashay uu ballaaran yahay, halka in ka badan lixdan kun oo guri ay koronto la’aan yihiin.