Diyaaraddo dad ku laayay Suuriya

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Deegaanka la duqeeyay ayaa waxaa haysta ururka isku magacaabay dowladda Islaamka.

Wararka imanaya dalka Suuriya ayaa sheegaya in duqeyn ka dhacay degmo ku taalla bariga dalkaasi ay ku dhinteen tobaneeyo qof.

Kooxaha u ololeeya Suuriya ayaa sheegaya in diyaaradaha ay duqeeyeen xaafado ay dad rayid ah degan yihiin iyo weliba masaajid ku yaalla degmada Al-Quria.

Ma cadda in diyaaradahaasi dagaalka ay ahaayeen kuwa dowladda Suuriya ama kuwa Ruushka.

Wararka ayaa sheegaya in dad badan ay meesha ku dhinteen, isla markaana laga cabsi qabo in dadka dhintay ay ka mid yihiin qoysas dhan.

Deegaankaasi ayaa la rumeysan yahay in inta badan uu ka taliyo ururka isku magacaabay dowladda Islaamka.

Xukuumadda Moscow ayaa sheegtay in ay bartilmaameedsan doonto deegaannada ururkaasi hoos yimaada, walow ay todobaadyo ka hor shaacisay in ay xadideyso holwgalladeeda milateri ee Suuriya.

Balse taasi ayaan u muuqan mid dhacaysa, maadaama ay diyaaradaha Ruushka duqeyn joogta ah ku hayaan magaalada Xaleb.

Duqeymahaasi ayaa looga gol leeyahay in lagu jaro marinka keliya ee u furan xooggaga mucaaradka ee ku sugan bariga magaaladaasi.

Madaxweyne Bashar al-Assad ayaa si cad u sheegay in uu doonayo dib u qabsashada Xaleb. Hogaamiyaha Xisbullah, Xasan Nasrallah, ayaa isna ballanqaaday in uu dagaalyahanno dheeraad ah ku caawinayo xukuumadda Suuriya.