David Cameron oo u digay Midowga Yurub

Lahaanshaha sawirka AFP GETTY

Ra'iisal wasaaraha Britain David Cameron, ayaa u digay hogaamiyayaasha Midowga Yurub in Britain aysan ku dag dagi doonin wadahadalada inay ka baxdo Midowga Yurub.

Hadalkiisii ugu horeeyay ee uu ka hadlo baarlamaanka tan tan iyo markuu sheegay inuu is casilay, ayuu sheegay inay tahay ra'iisalwasaaraha badalaya inuu go'aan ka gaaro markii la bilaabayo ka bixida Midowga Yurub.

Wuxuu baarlamaanka u sheegay, inay tahay in Britain ay go'aan ka gaarto xiriirka ay rabto inay la yeelato Midowga Yurub, intaysan bilaabin ka bixida Midowga Yurub.