Turkiga iyo Israa'iil oo heshiiyay

Image caption Kadib markii la dilay dadkii Turkiga, dibad baxayaal ayaa weeraray safaaradda Israa'iil ee Istanbul

Israa'iil iyo Turkiga ayaa la sheegayaan inay isla gaareen heshiis ay ku soo celinayaan xiriirka labada dhinac ka dhexeeya, kadib markii uu xumaaday sanado ka hor.

xiriirkooda waxa uu aad usii xumaaday lix sano ka hor markii ciidamada Israa'iil ay dileen sagaal qof oo Turkiga u dhalatay.

Dadkaasi waxay saarnaayeen markab gargaar u siday Marinka Qaza ee dhulka Falastiin.

Israa'iil waxay sheegtay inay dooneysay inay hubiso in markabkaasi uu hub siday iyo inkale.

Laakiin weerarka Israa'iil waxa uu isubadalay qalalaaso, waxaana ku dhintay dad arrimaha gurmadka ka shaqeynayay oo Turkiga ka safray.

Laakiin saraakiisha labada dhinac waxa laga soo xigtay ayagoo sheegaya in maanta ay shaacinayaan qodobada ay ku heshiiyeen.