Ciidanka Liberia oo la wareegaya ammaanka

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Ciidanka Liberia ayaa la wareegaya ammaanka dalka muddo 13 sano kaddib

Hawlgalka nabad ilaalinta QM ee Liberia UNMIL ayaa isu diyaarinaya inuu mas'uuliyadda amniga ku wareejiyaan booliska iyo milateriga dalkaasi.

Hawlgalka ayaa billowday 2003, kaddib markii ay dhaceen dagaallo sokeeye oo ay ku dhinteen boqolaal kun oo qof.

Ciidanka amaanka ee Liberia ayaa helay tababar caalami ah oo ay ugu diyaargaroobeen howshan.

Qaramada Midoobay waxay sheegtay in waxoogaa askar ah ay ku sii hayn doonto waddankaas ku yaalla galbeedka Afrika, si ay uga caawiyaan xagga tayaynta, ka hor inta aan go'aan laga gaarin mustaqbalka hawlgalka bisha December.