Bomb lagu tuuray suuqa Wadajir

Lahaanshaha sawirka
Image caption Suuqa Xamar-Weyne ee Muqdisho

Qarax bomb gacmeed ayaa lagu tuuray suuqa degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.

Inta la xaqiijiyay toddobo qof oo rayid ah ayuu dhaawac ka soo gaaay bomb gacmeedka.

Waxaa la aaminsan yahay in gaaari ciidamada oo meesha marayay la beegsanayay.

Alshabaab ayaa bisha ramadaan kordhisay weerarada ay ku qaado shacabka, ganacsatada iyo dowladda.

Maanta oo ah maalintii ugu danbaysay bisha Ramadaan ayaa aad loo buuxaa suuqyada si loogu diyaar garoobo Ciida.