Tartanka ra'iisal-wasaaraha cusub ee UK

Ra'iisal-wasaaraha cusub ee Britain ayaa noqon doona qof dumar ah.

Lahaanshaha sawirka
Image caption Theresa May iyo Andrea Leadsom ayaa ku tartamaya hogaanka xisbiga talada haya ee Conservative-ka.

Xildhibaanada xisbiga talada haya ee Conservative-ka ayaa u codeeyay xoghayaha arrimaha gudaha Theresa May iyo wasiirka tamarta, Andrea Leadsom, oo ah labada qof ee ku soo baxay wareega saddexaad ee xubnaha xisbiga ee waddanka oo dhan ay u codayn doonaan.

Michael Gove oo ah qofka saddexaad ee tartamayay ayaa la reebay ka dib markii uu galay kaalinta saddexaad codaynta.

Mrs May, oo heshay in ka badan laba jibaar Mrs Leadsom, ayaa sheegtay inay midayn doonto xisbiga hadii la doorto, kadib markii Uk ay u codaysi afti inay ka baxdo Midowga Yurub, taasoo sababtay inuu is casililo ra'iisal-wasaare David Cameron.