Waxbarashada gabdhaha oo la kordhinayo

Image caption Gabdhaha la caawinayo waxaa ka mid ah kuwa guursada iyagoo yar iyo kuwa aan iskuul tagin.

Dowladda Britain ayaa ku bixinaysa boqol iyo soddon milyan oo dollar, oo loogu talagalay in wax lagu baro tobanaan kun oo gabdho ee waddamada adduunka ee ugu saboolsan.

Lacagta ayaa loo isticmaali doonaa in lagu caawiyo gabdhaha iskuulka ka hara, ama kuwa aan waligood iskuul tagin dhibaatooyinka reerka ka haysta, saboolnimo, iyo guur waqti hore ay guursadaan awgeed.

Qiyaastii lixdan milyan oo gabdho ayaa caalamka iskuul la'aan ah, iyadoo kala bar ay ku nool yihiin waddamada Afrika ee Saxaraha ka hooseeya.