Maraykanka iyo K-Koonfureed oo hanaan difaac ku heshiiyay

Lahaanshaha sawirka US Department of Defense
Image caption Sawirka THAAD

Dalka Maraykanka iyo Kuuriyada Koonfureed ayaa ku heshiiyay in ay rakibaan hanaan difaaca gantaalada ah oo muran dhaliyay, iyada oo ay sii kordhayso halista ammaan ee ka imanaysa dhanka Kuuriyada Waqooyi.

Hanaankan difaacaha gantaalada ah oo loogu magacdaray THAAD ayaa ujeedadiisa oo dhan ay tahay in lagaga hortago halista ka imaankarta Pyongyang sida lagu sheegay war qoraal ah oo la soo saaray.

Macadda meesha rasmiga ah ee la dhigi doono iyo cidda ugu dambayn maamuli doonta.

Kawada xaajoodka arrintan ayaa bilawday bishii labaad ee sanadkan, kaddib markii Kuuriyada Waqooyi ay soo gantay gantaallo rido dheer, laakiin heshiiskan Shiinaha ayaa arrintaas si joogto ah uga soo horjeeday.

Hanaankan difaaca ee THAAD wuxuu awoodi doonaa in uu ogaado gantaalada ay soo ganto Kuuriyada waqooyi iyo waliba in uu soo rido, laakiin Shiinaha ayaa sheegay in ay si wayn u xagaldaacinayso danaha ammaanka ee dalalka gobolkaas ku yaalla.