Meydad tiro badan oo laga helay Juba

Image caption Dagaalkii Jimcaha ayaa ka dhacay agagaarka madaxtooyada Juba.

Wararka laga helayo caasimadda Juba ee dalka South Sudan, ayaa sheegaya in tobaneeyo qof oo u badan askar, ay ku dhinteen dagaal xooggan oo shalay ka dhacay agagaarka madaxtooyada.

Weriye ku sugan magaaladaasi ayaa sheegay in dagaalka uu soo gaaray ilaa saacadihii hore ee Sabtida maanta ah.

Dagaalka ayaa oo u dhexeeya ciidamo kala taageersan madaxweyne Salva Kiir iyo ku xigeenkiisa Riek Machar, ayaa ahaa kii ugu xumaa ee dhaca tan iyo markii uu Mr Machar kusoo laabtay Juba bishii April.

Howlwadeennada caafimaadka ayaa sheegay in meydad badan la geeyay cisbitaalka guud ee Juba, ka dib markii ay buuxsantay goobta meydadka lagu keydiyo.

Dalka South Sudan ayaa maanta shan sano jirsaday, balse ma jiraan dabaaldegyo xuska loo sameeyay.